November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Qorax madoobaad inta badan laga arkey guud ahaan dalkeena

Waxa saaka inta badan dalka laga arkay qorax madoobaad ay sii saadaaliyeen khuburada cilmiga xidigaha. Waxa qorax madoobaadka noocana inta badan dhacaa sanadkii mar ama labadii sanadoodba mar. Dadka Soomaaliyeed ee arkay ayaa intoo badan ku yaaceen masaajida si ay u tukadaan salaada.



Waxa kale oo laga arkey qorax madoobaadka dhamaan qaarada Afrika inteeda badan iyo Eeshiya oo meelaha qaar uu qorax madoobaadku joogey daqiiqad iyo badh.



Qorax madoobaadka noocana ayaa dayaxu isku gudbaa iftiinka cadceeda laakiin ma wada qariyo oo iftiinka cadceeda ayaa ka soo baxa koonayasha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS