Wasaarada arimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegtay inayna qorshaha ugu jirin inay Afqaanistaan ka soo daadgureyso danjireyaasheeda waayo waxa Taalibaanku noo balan qaaday inay amaan gelin doonaan ayaa lagu yiri war qoraala.
Ruushka ayaa lagu tuhmaayay inuu xiriir hoose la leeyahay Taalibaan waayo waxay Taalibaanku daaqada ka saareen kooxihii sheegan jirey mujaahidiinta ee dagaalka kula jirey midowgii Soofeeti. Mana rabo Maraykan jooga agtiisa ee maaha inuu raacsan yahay dhiigmiiratada.
Inkastoo dhiigmiiratada Taalibaan maalmahan sheegtaan inay isbedeleen lama hubo inay ogolyihiin calanka Afqaanistaan, waxay wataan mid iyaga u gaara oo argagixisada caalamka ka siman yihiin sida dhiigmiiratada shabaab.
Dhiigmiiratada Taalibaan ee ay ku maqan yihiin kumanaan reer Afqaanistaana ayaa helay fursad xoogle maadaama ciidanka dalkaasi uuna muddooyin sanado ah helin xuquuqdooda taasina keentay inayna niyad u hayn inay u dagaalamaan ee maaha inay jecelyihiin Taalibaan oo xaqooda siin doonta.
Asal ahaan Taalibaanku waa jaahiliin aan haba yaraatee diin waxba ka garanayn waxayna qaateen madhabka wahaabiyada ee hadda Sacuudigiiba ka baxay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS