Qoxooti u dhashay Siiriya oo markabkii ay la socdeen kuwii waday ay halmar doon kale ka raaceen: warbixin naxdina
Italy 04 Jan 2014–Qiso aad u foolxun ayaa qabsatay qoxooti Siiriya u dhashay oo markab ka soo raacay Turkiga kadibna kuwii waday ay doon kale ka raaceen markabka oo maraya badda weyn dhexdeeda. Tuugadan ayaa qoxootiga ka soo qaatay lacag gaaraysa 4000 oo doolar qofkiiba waxana la socday ugu yaraan 350 qof.
Ilaalada xeebaha ee dalkaasi Talyaaniga ayaa sheegay in markabka ay wadeen isla dadkii qoxootiga ahaa markey ogaadeen in aan cidna wadin.
Qoxootiga Siiriya oo u muuqday dad maalqabeeno ah oo lacag haysta ayaa ilaalada Talyaanigu badbaadiyeen.
Tuugadii lacagta ka qaadatay ayaa markabka ku xidhay isteerin iswada oo toosa oo ku beegan magaalada xeebta ah ee Gollipoli waxayna ugu talagaleen in markabku halkaasi ku dhaco.
Qoxootiga Siiriya ayaa iska qaaday sawiro sida ka hoose iyagoo lagaga tagey hoolka weyn ee markabka halkaasoo dusha looga xidhay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
August, 16, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...
August, 16, 2024
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...
August, 16, 2024
Waqtigii rasuulkeena scw scw waxa jiray wiil dhalinyara ...
April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...
April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...
February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...
December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...
December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...
November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...
November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...
November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...
November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...