X

Qoys ka kooban afar oo ku dhintey guri ku soo dumey Hargeysa

Dhacdo naxdinleh ayaa ka dhacdey Hargeysa kadib markii ay Ku geeriyoodeen qoys ka kooban afar oo kala ah hooyada iyo aabaha iyo laba caruura oo ay dhaleen. Hooyada ayaa la sheegay inay xaamilo ahayd. Meydka afartan ruux ayaa loo qaaday isbitaal Ku yaal magaalada.


Taliyaha kuwa gurmadka ee dabdemiska ayaa sheegay in xilli roobaadka ay dumaan guryaha qadiimiga ah oo ay fiican tahay in aan la ag deganaanin xilli roobaadka. Xilliga gurigan soo dumey ayaa waxa da’aayay roob.


Magaalada Hargeysa ayaan ahayn markii ugu horeysay ee dad Ku dhintaan roobabka oo weliba qaarkood uu qaaday, waxana eeda badan Iska leh maamulka Muuse Biixi oo Ku fashilmey inuu dadka ilaaliyo.


Gurigan dumey ayaa ahaa mid qadiimi ah sida muuqatana ay qoysku hoos deganaayeen si ay roobka uga dugsadaan aqal Somali ay kul lahaayeen hoostiisa.

Sawirka hoose waa kooxaha gurmadka oo faqaya guriga dumey

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.