Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Qoys Somali ah oo Noorway barafka loo tuurey oo saacado ku taajirey

Qisada ku dhacday qoys Somali ah oo ku nool dalkaasi Noorway ayaa soo jiidatey gabadh cadaana oo ay jaar yihiin kadib markey aragtey sida qoyskan loola dhaqmey iyo awooda baraha bulshada.

Sidee ku bilaabatey sheekada



Maxamed Aadan wuxuu ku jirey guri ay siisay xaafada uu ka degan Noorway sida caadiga ah ee ka mida sharciga dalka u yaala maadaama dakhligiisu aad u yaraa oo la kabi jirey. Waxase is bedelay dakhliga soo galay oo keentay inaanu xaq u lahayn guriga uu degan yahay oo hadda ay xaq u leeyihiin dad ka liita isaga.

Maxamed ayaa dakhligiisu hadda gaaray mid uu ku kiraysan karo guri gaara, waxase Maxamed ku dooday in waqti la siiyo uu guriga uga baxo maadaama ay dhaxan tahay dalkana uu ka jiro cudurka Karoona.



Waxase u muuqata xaafada uu degan yahay inayna u soo jawaabin hoosna u fiirin codsiga uu soo qortey, ee waxay soo direen sidii caadiga ah askar u qaabilsan guryo-saarista.

Askartii ayaa guriga ugu yimi Maxamed iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa oo qaarkood hurdaan, waxana xoog dibedda loogu tuurey barafka, inkastoo askar ka mida kuwa soo xirayay guriga uu u sheegay inuu caawa geyn doonaan hoy ay dhaxanta ka galaan.



Waase diideen qoysku. Waxa haddaba jaar la ahayd gabadh cadaana oo ka naxday qoyska dibedda la dhigey, waxayna sheekadooda gelisay baraha bulshada ayadoo dalbatey in la siiyo lacag deemaajiga ay isaga bixiyaan.

Lacagta ay marka hore codsatey ayaa ahayd 50,000 oo lacagta dalkaasi ah, waxase lacagtaasi lagu aruurshey muddo saacad ka yar, markey ka yaabtey deeqsinimada iyo naxariista dadka ayaa markii dambe ay ka codsatey in loo gaarsiiyo hal milyan si guri ugu iibsadaan.



Halka dhinaca kale markii qoraalkasi ku faafay baraha bulshada uu markiiba gaaray xaafada dibedda dhigtey qoyskan oo markiiba go’aan ku gaaray inay is wada casilaan, maadaama ay gabeen hawshoodii daryeel.

Hadda Maxamed iyo qoyskiisa waa taajiriin ku dhow inay gataan guri ay hanti u leeyihiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...