X

Rag loo malaynayo argagixiso oo lagu qabtey hawlgal amni xasilina: SAWIRO

Rag loo malaynayo argagixiso ayaa lagu qabtey maghaalada Muqdisho hawlgal amni xasilina oo ciidanka amnigu ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.

Ragaan oo maca hubkoodii wata isla markaana wata direyska ciidamada ayaa la horkeenay saldhiga booliiska degmada Dharkeenley.



Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi(Tuulax) oo goobta lagu soo bandhigayey raggaas ku sugnaa ayaa sheegay in ragaas ay ahaayeen kuwo dadka Shacabka ah dhibaaten jiray,isla markaana mararka qaar Guryaha ugu geli jireen.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.