Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Rag soo xidhay xijaabka carabta ee madow oo Boorama midiyo kala daalay laba wiil oo dhalinyaro: warbixintii u dambeysay

midiBoorama–Sida maalmahan aan lawada socono waxa Boorama ka dilaacay rag soo xidha xijaabka madow ee carabtu qaadato hadase dumarku Somalidu ku daateen hadana midiyo hoosta ku sita oo dariiqyada Boorama laga mari kari waayay.

Dhacdadii u dambeysay ayaa dhacday xalay waxayna ku dhacday laba wiil oo dhalinyaro ah oo marayay xaafad ka mida Boorama iskana cawaynayay ayaa waxa ka soo horbaxay laba u muuqda dumar watana dharkaa wada madow ee carabta afkuna u duuban yahay…labadaas dhaqan oo ayna Somalidu dhaqan u lahayn..waa dhar madow iyo afka soo xidhasho.

Labadii wiil ee dhalinyaro ayaa arkay waxa u muuqday dumarka oo isla wadadii ay ku socdeen isku beegantay waxayna is yiraahaan sida dhaqanka suuban ee Somalida yahay in ay ka baydhana gabdhaha..ka baydhistii ayaa la huwiyay laba midiyood..

Wiilkii u horeeyay ayaa qoorta loo sudhay halka wiilka kalana garabka lagu dhuftay waxayna isla markiiba iska faydeen marada oo orod cagaha wax ka dayeen..wiilashiina halkiibaa dhaawac ahaan loo geeyay dhakhtarka.

Wiilashii markii la waraystay waxay sheegeen in ayna garanayn dadka weeraray laakiin ay xidhnaayeen dharka carabta ee madow ee dumarka Somalidu hadda xidhaan iyo waliba wajiga oo u qarsoonaa.

Waxa kale oo ay sheegeen in ayna haba yaraatee wax aflagaado ah ama hadal ah midna ay is dhaafsan xataa ayna jirin dhalinyaro ay col yihiin.

Masiibadan ayaa loo maleeyay laba arimood waa mida koowaade masiibada afka xidhashada oo dhaqan ayna u lahayn Somalidu oo hadda dadka la dilaa dalkoo dhan ay gaysteen kuwo afka soo xirtey siida argagixisada ayna muhiim tahay in laga madnuuco suuqyada la marayo.

Tan ugu weyn ee laysku wada raacay ayaa ah in askar laga keenay Hargeysa ay dhalinta reer Awdal u yimaadeen in ay dhaawacyo u gaysteen dadkana isku diraan waxana la qirtey in ay soo baxdey kaliya bishii u dambeysay ee kacdoonku bilowdey oo askar xoogani soo gashay magaalada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS nagala soo xidhiidha araabimedia@gmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...