X

Raiisal wasaarada Ingiriiska oo lagala cararay xarunta barlamaanka kadib weerar u eg mid argagixiso

Raiisal wasaarada Ingiriiska oo laga kexeeyay goob ku dhow aqalka ay ka taliso kadib weerar la rumaysan yahay mid argagixiso oo lagu qaaday askari booliisa iyo gaadhi dad la jiirsiiyay.

Nin u hadlay booliiska Ingiriiska ayaa sheegay in falkan dhacay uu yahay mid argagixiso ilaa inta la cadaynayo in aanu ahayn. Dad taagan wadada aada barlamaanka ee buundada ah ayaa la jiirsiiyay gaadhi. Waxa dhimatey haweenay.



Dhaawaca ayaa lagu daawaynayaa wadada agteeda xilli raiisal wasaaraha lagala cararay xarunta barlamaanka oo nin booliisa lagu geliyay midi.

Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii midida ku weeraray askariga booliiska. Booliiska iyo hay’adaha sirdoonka ayaa sheegay in baaritaanku socdo lana cadayn cida uu yahay inkastoo dad marqatiya sheegeen in uu ahaa eeshiyaan.



Dhaawaca ayaa la sheegay in ay gaarayso 12 halka hal qofna dhintey midna biyaha buundada ku dhacay dhiigna ku wareegsan yahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.