22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

??????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Raiisal wasaaraha Itobiya oo madaxweyne Obama ku soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Addis ababa+SAWIRO

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa safarkiisii labaad ku maraya Itoobiya halkaas oo maalinta beri ah uu hadal ka jeedin doono ururka midowga Afrika. Arrimaha ugu weyn ee Obama kala hadli doono Itoobiya waxaa ka mid ah argagixisada shabaab iyo doorashooyinkii Itoobiya..

Mareykanka iyo Itoobiya ayaa muddo dheer waxay iskaashi ka lahaayeen la dagaalanka Argagixisada, waxaana kumanaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin Koofurta Soomaaliya

Khudbada uu maalinta berri ka jeedinayo Xarunta Midowga Afrika waxaa uu kaga hadli doonaa colaada dalka Koofurta Sudan. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska haya uu Itoobiya booqdo, waxaana uu Obama noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ah ee khudbad ka jeediya xarunta Midowga Afrika.

obama-addis-ababa-5[1] obama-addis-ababa-6[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM