Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Raiisal wasaaraha Itoobiya oo sharaxay waxay uga soo baxeen Tigree

Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa sharaxay waxay ciidanku uga soo baxeen gobolka Tigree oo hadda gacanta loo geliyay falaagada ay taageeraan Maraykanka. Wuxuu ahaa Maraykanka kuwii taageerada ugu badan siinayay jabhada Tigreega ee hilfaha loo qaaday.



”Ma rabno inaa qarash ku sii bixino falaago sii dhimanaysa ayadoo hadda aan ognahay in magaalada Maqale ayna ahayn xudunta wax laga maamulo oo ayna waxba ka duwanayn magaalooyinka kale ee Itoobiya ayuu yiri Cabi Axmed. ”Ma jirto cabsi aan ka qabnaa dhinacaas.

Wuxuu Cabi Axmed sheegay in talaabada ay uga soo baxeen xaruntii Tigreega ay dad badan dhibsadeen oo walaac ka muujiyeen laakiin waxaan farayaa warbaahinta inay kala baaraan runta iyo beenta.



Ciidan Tigree miyaa ka soo saaray Maqale

”Markaan ka soo baxnay Maqale ma joogin hal falaago ah waxa qaylada iyo muusiga tumaya waa kuwii ku dhuumanayaayay magaalada ayuu qarxiyay Cabi Axmed. Magaalooyinka kalana waa sidaa taas oo ka dhigan in kooxdaas TPLF ee Maraykanku u oynayo la burburiyay milatari ahaan oo ayna soo qaadi karin talaabo kale.

Muuqaaladii baraha Bulshada

Sawirada ay reer galbeedku ku faafiyeen baraha bulshada ayaa ahaa koox dhalinyaro ah oo dhamaantood wata qoryaha fudud oo ayna jirin haba yaraatee ciidan magaalada afar dhinac ka soo galay oo awood uga saaray ciidanka dawlada kadibna diley weliba taangiyana ka burburiyay ayuu shaaca ka qaaday Cabi Axmed.



Hadda waxaaan u soo kala baxnay kooxdaas qoryaha fudud wata iyo shacabkii aan is lahayn waad xoreyseen laakiin dhabarka ka toogtey askarta qaranka.

Hadalka Cabi Axmed ayaa dad badan u fahmi karaan in cadaadinta ugu badan uga timi Maraykanka oo raba in Tigreega ku laabto xukunka Itoobiya. ”Waan ku noqon karnaa Maqale marka aan u baahano taas cidna yay shaki ka gelin ayuu yiri wasiirka difaaca Itoobiya.



Shaki kuma jiro in la karbaashay madaxdii TPLF ugu tunka weynaa ilaa haddana ay ka baqayaan inay dib u soo galaan Maqale hadhaagoodii yaryaraa, waxase aan la garanayn talaabada xigta ee Maraykanku qaadi karo, asagoo sheegay inaanu eegi karin guuladarda Tigreega.



Waxa raiisal wasaaruhu sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga lahaa dib u hanashada gobolka ay ahayd in milatari ahaan la burburiyo falaagada, dib loo qabsado hubkii ay boobeen, haddana ku guulaysteen inay dhamaan soo furtaan hubkii ay ugu hanjabi jireen qaranka.



Sidee Tigreegu u dhici jireen gargaarka dadka

”Lacagta ugu badan ee aan ku bixinaynay arimaha gargaarka waxay ku dhacayeen jeebka falaagada tusaale waxay sheeganayaan 7 qof in baahan yihiin halka sida saxda ah ay yihiin qoys ka kooban 3 qof oo keliya taas oo ka dhigan in gargaarka badankiisu ku dhacayo jeebka TPLF ayuu yiri Cabi Axmed.

Waxa Tigreegu hadda u baahan yahay inuu si degdega u helo gargaar, waxaana la sugaa bal gargaarka gaalka weyn ee Maraykan uu u soo wado ayadoo ciidanka dawladu dusha ka eegayo. ”Kharashkii aan ku bixinaynay dagaalka hadda waxaan ku bixin doonaa difaaca cadow dibedda inooga imaanaya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...