X

Raiisal wasaare Cumar C/rashiid oo Muqdisho ku laabtey kadib markii ay isfahmi waayeen maamulka Puntland dagaalka Gaalkacayo

Raiisal wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid ayaa dib ugu laabtey Muqdisho kadib markii ay is fahmi waayeen maamulka Puntland xiisada ku jeeda dagaalka Gaalkacayo oo hadda ku sii fidey xaafado cusub. Dagaalka ayaa saaka dib uga qarxay goobo horleh iyadoo waan waan ay wadeenisla raiisal wasaaraha.

Kulan Ilaa xalay ka Socdey madaxtooyadda Puntland Ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya waxay isla garteen inuu tago magaaladda galkacayo uuna La Kulmo dhanka galmudug Si loo Damiyo colaada halkaasi ka taagan.

Iyadoona Wax natiijo la Wada gaadhin Ayuu  ku laabtay magaaladda Muqdisho isfahmi waa Puntland Soo kala Dhex galay,Layskuna Fahmi waayey.

Lakiin Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashid cali Sharma’arke  markiii saaka Uu ku talo galay inuu soo baxo Ayaa Dagaalo Xoogan ka Dhaceen waxana Uu Dib u dhacay dagaalada dartooda.

Qodobka Laysku fahmi waayey?

Ilo Hoose Ayaa Sheegaya Inay Puntland ka Codsatay Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashid cali Sharma’arke Inuusan Arin tani dhex galin ilaa  Goobaha dagaalada ka Dhaceen puntland gacanteeda Toos Ugu Soo labaato ayna maamulka Galmudug Joojiyaan  dagaalada.

Puntland ayaa Sheegtay inaysan dib ugu Ogolanayn galmudug inay qas ka sameeyaan magaaladda Gaalkacayo  Sida Warbaahinta Sheegayso Ayna yahiin maamul sharci daro ku dhisan Qasna Ka Wada magaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.