X

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo booqdey xildhibaan gaari miino loogu xirey: SAWIRO

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa booqdey xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay gaari uu saarnaa ay loo dhigey miino halkaasna uu ku dhintey dirawalkii u waday. Waxa la aaminsan yahay in xildhibaanadu iska socdaan oo ayna la socon hareeraha dadka ku xeeran oo dhiiga Muslimiinta ku iibsada shilimaad.


Weerarkan fuleynimo ayaa waxa fuliyay kooxda gaalaynta Muslimiinta oo iyagu ku quraacda kuna qadeeya dhiiga Muslimiinta. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu gacantiisa bidix ku waayay qaraxa.


Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda ay la socon doonto Xaaladda Xildhibaanka, waxaana sidoo kale dhintay darawalkii waday gaarigiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.