X

Taliye ka hadley sida RABI uga badbaadiyay isku day dil

Sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ee magaalada dilka badan ee Gaalkacayo ayaa Ka hadley sida RABI uga badbaadiyay qarax loogu xirey gaadhigiisa oo yaalay guriga uu degan yahay. Cabdiqani Xaabuun oo ah sarkaalka badbaadey ayaa isku day inuu gaadhiga la soo baxo.


“Waxaan rabay inaan gaadhiga la baxo hase yeeshee waxa I galay shiki kadibna dib ayaan uga joogsaday mana fuulin. Waxa kadibna qarxay gaadhiga wixii lagu rakibey, waxana muuqda inuu ahaa qof ila socda ayuu yiri Cabdiqani Xaabuun


Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtey qaraxaan la rabay in qof Muslim lagu xalaashado dhiigiisa. Shirqoolada noocana ayaa waxa ku caana argagixisada dhiigmiiratada ah ee Shabaab la baxdey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.