03/05/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo welli la daalaa dhacaya tirada ciidanka xooga: SAWIRO

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa welli la daalaa dhacaya tirada rasmiga ah ee ciidanka xooga ee dawlada u shaqeeya lana dagaalama argagixisada.



Xasan Cali Kheyre oo booqdey goob lagu ururinaayo xogta rasmiga ah ee ciidanka ayaa sidoo kale amrey in ciidanka lacagtooda loo marsiiyo keydka ay ku leeyihiin bangiyada dalka si loo yareeyo lacag cadaana.



Saraakiisha ku sugan dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhegabadan ee duleedka galbeed magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha u sheegay in ururka Kumaandoosta Danab lagu bilaabay diiwaan gelinta lana wadayo inta guud ahaan xogta ciidanka loogu kaydinayo habka casriga ah.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS