X

Turkiga oo wacad ku maray inuu Somalida garab taagnaado xilli argagixiso weerartay

Wahaabiyada argagixisada ee shabaab oo la ogyahay inay la shaqeeyaan cadowga Somaliya sida wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa weeraray dhaqaale Turki ah iyo dad shacaba oo shaqada Kadib u fadhiistey inay qadeeyaan.


Naftii halige dhiigmiirada ayaa gaadhi walxaha qarxa ku buuxaan ku weeraray dhamaan dadkii qadaynaayay, waxana la xaqiijay in ilaa Sadex qof ku shahiideen goobta dhaawacuna intaas ka badan yahay.

Haddaba shaqaalaha Turkiga oo dhisaya wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye oo dayactir ugu dambeysay dawladii dhexe ee dalka ayaa sheegay inayna meelna u socon.


Argagixisada ayaa lagu yaqaan gaadmo iyo inay adeegsadaan caruur aan kaadida xataa aqoon sida layskaga mayro ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.