X

Raiisal wasaarihii hore ee Malaysiya Mahathir Maxamed oo ku biirey kacdoonka ka dhanka ah Najib Rasaq

Raiisal wasaarihii hore ee Malaysiya Mahathir Maxamed ayaa ku biirey kacdoon lagu ridayo raiisal wasaaraha hadda Najib Razaq isagoo lagu eedaynayo in uu bangi ka saaray lacag gaaraysa 700 oo milyan oo loogu talogalay in lagu casriyeeyo caasimada Kuwaalambuur lagana dhigo goob soo saarta lacag aad u farabadan.

Raiisal wasaaraha hadda ayaa abuurey kayd bangi oo lagu shubo lacagta lagu dhisayo goob casri ah oo u dhiganta goobaha aduunka u gaarka ah sancooyinka casriga ah sida telefoonada gacanta, kambuutarada iyo sancada saliida.

Raiisal wasaarihi hore oo bilaabay sancada cusub ee dalkani ku socdo iyo casriga ka jira ayaa qaba in Najib Razaq lunsaday lacagtan laga saaray kaydkii loogu taligalay sidaas darted ay muhiim tahay in xukunka laga tuuro.

Najib Razaq oo ay saaxiibo ahaayeen Mahathir isla markaana ka mid ahaa xisbigii Mahathir Maxamed ayaa leh lacagtan waxay ka timi dalalka carabta waana mid loogu talogalay siyaasada.

Isku soo duubaa xaalada raiisal wasaaraha Malaysiya ayaa socota meel uu ku waayi karo xukunka dalka sidaana lagu qaban doono doorashooyin cusub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.