Boorama-Araabinews–Xalay abaaro 11:30 habeenimo marka ay saacadu ahayd ayaa waxa qaybo ka mid ah magaalada Borama laga maqlay rasaas kooban taas oo aan dadka hurdada ka kicisay.
Rasaastan ayaa waxa ay ka dhacaysay saldhiga dhexea din ee magaalada Borama oo ah halkii labo habeen ka hor ay ka dhacday is rasaasayn mudo socotay oo u dhaxaysay maleeshiyada suldaan wabar iyo ciidamada ku sugan saldhiga dhexe ee Borama.
ka dib is rasaasayntii koobnayd ee xalay dhacday ayaa shabakada Araabinews waxa ay isku dayday markuu waagu baryay in ay ka wardoonto waxa ay ahayd rasaastii xalay dhacaysay iyo cida lagu ridayay.
ugu dambayntii waxa noo cadaatay in rasaasta ay rideen ciidamada RRUda ee ku sugan saldhiga dhexe iyagoo ku riday gaadhi nooca raaxada ah ee loo yaqaano indhacadaha, iyagoo sheegay in ay u sheegeen in uu istaago laakiin aanu istaagin ka dibna ay xidheen dirawalkii gaadhiga watay.
intaas ka dib waxa aan u kuur galnay waxa uu ahaa gaadhigan iyo cida la socotay waxana cadaatay in uu ahaa gaadhi aroos ka shaqaynayay oo waday dadkii arooska ka soo qayb galay inanka dirawalka ahaana uu ahaa inanka arooskiisa la joogay, waxaana ay sheegeen in muraayaduhu u dalacnaayeen ayna heeso u shidnaayeen mana ayna maqlayn sidaas darteed ay ku war heleen rasaas muraayadaha ka soo dhex baxday ayna ku sigteen in ay rasaastu wax yeesho.
dhacdadan ayaa waxa ay ku tusaysaa shakiga ka jira aga gaarka stationka booliska ee magaalada isagoo markii hore ahaan jiray meel nabad lagu agmaro.
C/rashiid Rashka, Boorama
ARAABINEWS