X

Rasaas ka dhacday aas loo sameeyay dhalintii Muuse Biixi xasuuqay

Waxa rasaas ka dhacday xabaalo lagu aasayay sadex dhalinyara oo horjooge Muuse Biixi askartiisu dishey. Dadka badankooda ayaa isku raacay in dhalintaan loo beegsaday jufada ay ka yihiin ISAAQ. Ayadoo la buuxo ayaa dadweyne cadhaysan eryadeen mid ka mida wasiirada Muuse Biixi laakiin ka tirsan jufada dadka geeriyaysan.


Feedh iyo laad kadib waxa wasiirka Muuse Biixi la fuushiiyay gaadhiga, ayadoo ehelada dhalinta laga diley ay ku qaylinayaan dila Siciid Sulub oo ah wasiirka Muuse Biixi oo laga uriyay isla horjooge Muuse Biixi.


Waa markii ugu horeysay ee xabaal rasaastu ka duldhacdo, waxayna muujinaysaa heerka isqab qabsiga beesha dhexe uu taagan yahay. Ma jirto cid ku dhimatey rasaastan, waxase aad loo daawaday gabadh laad la dhacday ilaalada Siciid Sulub.




Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.