X

Weerarka argagixisada ee Muqdisho ka dhacay waa mid la filaayay iyo sababta

Waxa ilaa hadda oo aan daabacayno warkan ka socda huteel ku yaal Muqdisho dagaal u dhexeeya ciidamada amniga iyo argagixisada soo weerarta. Saacaduna waa 12: 30 duhurnimo. Weerarkuna wuxuu bilaabay xalay.


Waxaa jira khasaare isugu Jira dhimasho iyo dhaawac u badan dad shacaba oo huteelka u joogay siyaabo kala duwan. Haddaba waxaad is weydiin kartaa maxaa hadda keenay weerarka argagixisada, maxaadse soo rogaal celiyay


“Jawaabta saxda ah ayaa ah waa mid la filaayay waxayna digniin u tahay xildhibaanada kale waayo dalka sirdoonkiisii iyo laamihii amnigaba waxa gacanta ku haya Isla argagixisada, waxaanad ka garan kartaa sida weerarkan u daba dheeraaday weliba ay u duubeen inta qaraxuba dhicin iyo sida loo fududeeyay ayuu yiri Cali Calasow.


“Waxa goor dhow la bedelay ciidankii dagaalka waxay waxana la geeya kuwz kale waayo waxa la sheegayaa in argagixisada xaduuqa wada ay warka helayaan waayo waxa burburay sirdoonkii qaranka waxana uu hadda gacanta ugu jiraa kooxda Xalane iyo Imaaraadka oo aan ognahay inay wada shaqeeyaan argagixisada ayuu raaciyay Cali Calasow.



“Muddo hore ayaa Muqdisho ugu dambaysay huteelo argagixisada gasho oo ay ka dagaalanto. Si kastaba ha ahaatee ilaa dalku helo sirdoon xalaala oo ka madax banaan argagixisada waxa halis ku Jira xildhibaanada iyo xubnaha kale ee waxgaradka ah ee jooga Koofur.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.