Thursday, January 24th, 2019
header

Reer Awdal intii raacsanayd Muuse Biixi oo cidla looga tagey: Imisa kursaa la siiyay

Reer Awdal intii raacsanayd Muuse Biixi oo cidla looga tagey Muuse Biixi inta wax laga siiyayna loo tuurey cad quudha. Axmed Muumin Seed oo aad u xiiqey ayaa loo tuurey meesha madhan ee Beeraha.

 

Halka qaar cusubna lagu tuurey wasaarado aan manfac lahayn. Oday reer Awdal oo fikirkiisa ka dhiibtey wasiirada Muuse Biixi ayaa sheegay inuu hore u sheegay in ISAAQ meeshan leeyahay haddii cad laga goosanayana runta loo sheego, wuxuuse ka xumaadey in jufo jufo loo qaybiyay Samaroonka oo hadda cad quudha iska qaataan oo ayna hadli Karin.

Wuxuu intaa ku daray waa jug jug meeshaada joog.

Hal jufo oo ISAAQA jeegaanta ayaa ka badan sadexda wasiir ee Samaroon ee Muuse Biixi ku soo tuurey.



Wasiirada askari Muuse Biixi ayaa waxa isku balaadhiyay beesha dhexe qaasatan labada jufo ee isbahaystey intii ay duufsadeena codka ugu biiriyeen.

Hadaad fiiriso waxba kama duwana tii Siilaanyo iyo reerkiisu magacaabeen waxa kaliya Muuse Biixi sameeyay inuu magacaabay saaxiibadii SNM kuwa wada jireen sida ninka mujaahidka sheegta ee Maxamed Kaahin oo jeegaanta ah.



Prof Axmed Samatar oo sumcadii uu reer Awdal iyo Somalida kale ku lahaa hore u dhimatey ayaa wararku sheegayaan inuu ku gacan saydhey wasaarada qorsheynta ee aan jirin, markii dambena Muuse ku yiri dibedda afhayeen nooga ahow wasaarad kuuma hayee.

Hoos ka akhri kuraasta ISAAQ qaatey iyo hambada uu siiyay Samaroon

Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah — ISAAQ

Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha — ISAAQ

Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga —- Warsan Gali

Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada — ISAAQ

Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta —  ISAAQ

Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha — Habar Yoonis

Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha — ISAAQ

Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada — ISAAQ

Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga — ISAAQ

Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga — ISAAQ

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta — ISAAQ

Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka —- ISAAQ

Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta — ISAAQ

Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka — ISAAQ

Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha — ISAAQ

Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka — ISAAQ

Wasiirada Samaroon

Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta —Samaroon

Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha — Samaroon

Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada Ganacsiga

Wasiirada Dhulbahante

Saleeban Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasarada Biyaha

Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud —

Wasiir Faratoon

Hal Wasiir oo Ciise ah

Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada —

Hal wasiir oo Warsangeli ah

Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga —

Wasiir Ku Xigeenada

1.  Liban Yuusuf Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada — ISAAQ

2. Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha — ISAAQ

3. Maxamed Muuse Abeys Wasiir ku xigeenka Warfaafinta — ISAAQ

4. Yurub Abiib Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolah–ISAAQ

5. Maxamed Daahir Fure Wasiir ku xigenka maaliyada — ISAAQ

6. Eng Xussen Buuni wasiir ku xigeenka qorsheynta — Gabooye

7.Cabdiqaadir Dhego weyn Wasiir ku xigeenka waxbarashada — ISAAQ

8. Cabdinasir Kadin wasiir ku xigeenka caafimaadka — ISAAQ

9. Sahal Maxamed jaamac Faraax wasiir ku xigeenka —-ISAAQ

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Siyaasi Cali Faarax oo kabaha la dulmaray madaxa Jaamacada Camuud Saleebaan

January, 23, 2019
Siyaasi Cali Faarax ayaa kabaha la dulmaray madaxa ...

Sirdoonka Maraykanka oo qabtey sadex nin oo Somali ah oo argagixisadu tigidhka u goysay

January, 23, 2019
Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan FBI ayaa qabtey ...

Siyaasi qarxiyay in hambadii Kulmiye lagu dul cunayo Boorama

January, 23, 2019
Siyaasi qarxiyay in hambadii Kulmiye lagu dul cunayo ...

Yaa wax ku noqdey qarax argagixisadu ka fulisay Muqdisho iyo dilal horleh

January, 23, 2019
Kooxda gaalaynta Muslimiinta ee shabaab ayaa qarax lagu ...

Dawlada Somaliya oo si adag uga jawaabtey eedayn ka timi Kiiniya oo ujeeda leh

January, 23, 2019
Dawlada Somaliya ayaa si adag uga jawaabtey eedayn ...

Dhacdooyinka

Odaygii Nikolas waan u sheegnay inuu siyaasada Somalida soo farogelin: Farmaajo

January, 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadley ceyrintii Somaliya laga ...

Yuhuuda oo ugu dambeyn qiratey inay hub siisay argagixisada Daacish

January, 15, 2019
Yuhuuda ayaa ugu dambeyn qiratey inay hub siin ...

Madaxa Somali galbeed oo la kulmey ugaaska guud ee Samaroon: SAWIRO

January, 13, 2019
Madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa la kulmey ...

Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore oo jeelka loo taxaabay

January, 11, 2019
Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore ayaa jeelka ...

Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi oo la ogaadey halka ay si toosa ula hadlaayeen

December, 10, 2018
Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi ayaa la ogaadey halka ...

Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka oo lagu qabtey Muqdisho

December, 8, 2018
Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka ...

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay gaalka weyn ee Erik Jackson

December, 8, 2018
Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul siisay gaalka weyn ...