X

Reer galbeedka oo indhoole ciyaar yahana saaray cunaqabatayn

Reer galbeedka ayaa cunaqatayntoodu xitaa ixtiraami wayday dadka indhooleyaasha ee ciyaara. Ururka ciyaaraha u qaabilsan noocana oo hadda ku daba fayla Maraykanka ayaa sheegay inay mamnuuceen ciyaar yahanada indhooleyaasha ee Ruushka.


Dawladaha xorta ayaa cambaareeyay cunaqataynta la saarayciyaaryahanada indhooleyaasha ama qaba baahiyo gaara. ”Wax la arkay oo la maqlo maaha in heerka la gaarsiiyo ayuu yiri masuul u hadlay Hanagri.


Si kastaba ha ahaatee waxa dhamaan la weeraray ciyaar yahanada Ruushka ooo dawladaha kale inayna la ciyaarin oo ay dhibcaha qaataan sida Bolan oo kale.


Koobka adduunka ee sanadkan ka dhacaya Qadar ayaan lagu tilmaami karin mid sidii la rabay loogu tartamay oo dalal tartami lahaa laga reebay siyaasad ahaan.



Kooxda sheegata inay maamulaan ururka ayaa hore u mamnuucay dalal siyaasad ahaan farogelisay guddiga maamula ciyaaraha dalalkooda halka isla ururkii uu farogelin qaawan ku hayo dalal aan waxba galabsan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.