X

Sacuudiga oo joojiyay talaalkii Karoonaha ee laga rabay xujaajta

Sacuudiga ayaa sheegay inay qaadeen xayiraadihii Karoonaha hadda laga bilaabana aan loo baahnayn in qofka imaanaya dalka u soo qaatey talaalka Karoonaha oo awal ay khasab ka dhigeen sida xujaajta.


ā€¯Maanta laga bilaabo looma baahna shahaadada talaalka Karoonaha ayay tiri wasaarada caafimaadka Sacuudiga oo sanadkan isku diyaarinaya inay soo dhaweeyaan xujaaj farabadan.


Sacuudiga oo ku dayanaaya reer galbeedka ayaa laba xaj oo isku xiga joojiyay in gudaha mooyee laga soo xajiyo dibedda dalka. Talaal joojintan ayay iyadna ka koobigareeyeen dalalka gaalada.



Si kastaba ha ahaatee waxay u fududahay dadka xajinaaya sanadkan ayadoo welli la sugayo qiimaha la gooyay.

Rashiid ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.