Argagixisada Shabaab ee lagu yaqaan xasuuqa bani aadamka ayaa sheegatay dil ay ka gaysatay Puntland oo si gaadmo lagu dilay masuul ka tuirsan maamulka Cabdiwell.
Masuulkan oo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland ayay argagioxisadu ku dilshey magaalada Boosaaso.
Dilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Taliska Booliska Gobolka iyo saldhiga ugu weyn magaalada Boosaaso, iyadoo kooxdii dilka ka dambeysay oo ahaa labo dhalinyaro ay baxsadeen.
Warar argagixisadu ku qortey barteeda shabakadaha ayay ku sheegteen dilkan.
Waa dilkii saddexaad oo muddo labo todobaad gudahood ka dhaca Boosaaso, waxaa horay u dileen argagixisadu agaasimihii Madaxtooyada Puntland iyo Taliye kuxigeenkii saddexaad ee Ciidamada Booliska Puntland.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay