X

Samareeb oo lagu soo bandhigey tuugo si toosa u dhacaysay safarka

Hawlgal ay fuliyeen ciidanka booliiska maamulka Galmudug ayaa lagu soo qabtey tuugo maalin cad dhacaysay dadka safarka ah. Tuugadan ayaa la soo qabtey ayagoo falka ku gudajira.


Kadib rasaas la is weydaarsaday ayaa lagu guulaystey in ragaan gacanta lagu soo dhigo markii ay dhiibeen ayan arkeen in laga xoog roonaaday. Mid ka ida ayaa waxa ka muuqday dhaawac fudud oo soo gaaray.


Ciidanka ayaa isla goobta ku soo bandhigey taleefoono iyo waraaqo ay sheegeen in ay ka mid yihiin agabka cadaymaha ah ee ay ka qaateen dadka musaafirka ah.

ā€¯Waxaan horgayn doonaa cadaalada si abaalkooda loo maryo ayuu yiri taliyaha hogaaminaayay hawlgalka. Waxa baryahan dalkoo dhan ku soo batey dhalinta shaqo ka dhigtey dhaca dadka shacabka, waxana jira dilal ay gaysteen oo uu ku jiro wiil caruura oo lagu diley Jawhar.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.