Ankara 02 Dec 2014–Wadamada Ruushka iyo Turkiga ayaa heshiis ka gaaray dhuun gaas oo dhexmarta badda u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga. Ruushka ayaa raba inuu gaaskiisa ka iibgeeyo dhinaca bariga isagoo dhuun qaada marinaya badda hoostiisa xadka Turkiga iyo Giriiga.
Turkiga ayaa gaaskiisa ugu badan ka hela wadanka Ruushka waxayna tani sahlaysaa in Turkigu helo qiimo jaban. Midowga Yurub ayaa joojiyay khad kale oo Ruushku gaaskiisa uga iibgeynayo Yurub isagoo soo marinaya wadamo badan oo ku yaala Yurubta dhexe.
Dagaal dhaqaale oo xun ayaa ka dhexeeya Yurub, Maraykanka iyo Ruushka oo ku aadan Ruushka oo diidan in wadamada reer Yurub ku soo durkaan xadkiisa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn
Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan
Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan