X

Ruushka miyaa Yukarayn galaya mise waa durbaankii bugta ahaa ee Maraykanka

Waxa baryahanba qaylo-dhaan ay ka socotey warbaahinta reer galbeedka qaasatan kuwa Af-ingiriiska ku hadla oo ku aadan in Ruushku galayo Yukarayn, maxayse tahay xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta warkaas iyo boodh isku qarinta Maraykanak iyo Ingiriiska.


Ruushka ayaa 15 jeer in ka badan ku celiyay inaanu u socon inuu weeraro Yukarayn oo qabsado waa hadii Yukarayn ayan weerarin bariga dalkaas oo ay ku noolyihiin malaayiin Ruusha. Laba gobol oo waaweyn aya dagaal la galay Yukarayn oo hadda ka madax banaan waxana lgu magacaaba Dombaas.

Waxa jiray xabad joojin la galay 2014 waxase inta badan xabad joojintaas burburiya Yukarayn halkii ay wadahadal la geli lahayd qolooyinka diidan maamulka daba dhilifka u ah reer galbeedka ee xukunka boobay 2013.


Dagaalkaas waxa looga adkaaday Yukarayn labadaas gobolna waxay iskood isku maamulaayeen ilaa 2014. Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si xun u hubeeyay Yukarayn taas oo ka soo horjeeda heshiiskii lagu soo af-jaray dagaalka bariga Yukarayn.

Ruushka oo og in si xun loo hubeeyay Yukarayn haddana rabta inay awood ku muquuniso mucaaradka bariga dalkaas ayaa wacad ku maray inaanu eegan in dadkiisa Ruushka ee ku nool halkaas la xasuuqo, wuxuuna diyaariyay ciidankiisa si uu uga hortago arintaas.


Waxa Maraykanka oo dabada ku wata qaar ka mida reer galbeedka ay bilaabeen inay Yukarayn ku soo daraan ururka NAATO taas oo Ruushku aad u diidey, waxana wadahadal laga galay usbuucii hore, halkaas oo Marayanku sheegay inuu u jawaabi doono isla usbuucan, welina la sugayo.

Intii u dhaxaysay labada usbuuc waxa Maraykanka iyo Ingiriisku Yukarayn ku daldaleen hub kale oo farabadan si ay xiisada u sii kiciyaan ayagoo og inay Ruushka u basbac dhigi karin.


Ruushka oo og beenta Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa bilaabay inuu hubkiisa khatarta ah geeyo xadka Yukarayn iyo Beelaruus. Marayakanka ayaa ka baqay inuu askartiisa geeyo Yukarayn laakiin sheegay inuu Yurubta kale soo dhoobayo askar badan iyo hub.

Si kastaba ha ahaatee istuska Maraykanka iyo beentiisa ayaan meelna gaaray waxayna ku dhamaan doontaa inuu si degdega uga soo jawaabo codsiga Ruushka haddii kale ay arintu si kale isku bedeli karto waayo Ruushka marnaba ogoaan waayo in ururka NAATO  jaar la noqdo hubkoodana keenaan xadkiisa.



” Maraykanku ma galayo dagaal uu ogyahay inayna guul ka raacayn burbur xoogan mooyee. Haddii dagaal dhacana gantaalada ugu horeeya ay ku dhici doonaan Waashigton iyo London. Marka sheekada boodh isku qarintu maaha mid u dhaxaysa Ruush iyo Yukarayn oo aan isku awood ahayn ee waa Ruushka oo diidan in dadkiisa la xasuuqo iyo in aan lagu soo fidin xadkiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.