X

Wadan kala baxaya ciidankiisa Naato haddii Ruushka faraha lala galo

Madaxweynaha Koroeeshiya ee Yuguslaafiyadii hore ayaa sheegay in dalkiisu ciidankiisa la bixi doono haddii la daandaansado Ruushka, wuxuuan u eedeeyay Maraykanka inuu ka badbadiyay xaalada jirta.

Faransiiska ayaa isna sheegay inuu ka shaqaynayo sidii Ruushka loo siin lahaa waxa uu doonayo, ayadoo aan waxba loo dhimin iskaashiga milatari ee Naato.


Xiisada ka jirta Yukarayn ayaa waxa abuuray Maraykanka iyo Ingiriiska oo hubaynaya Yukarayn oo xitaa haddii si kadta loo hubeeyo aan iska difaaci karin Ruushka.


”Shaqo kuma lihin dagaal ama daandaansi lala galo Ruushka haddii ay dhacdana dibedda ayaan ka joognaa ayuu yiri madaxweynaha Koroeeshiya Milanfij.

”Qayb ka noqon mayno daandaansiga uu wado Maraykanka waayo wax faaiido lagama gaarayo haddii Ruushla la isku taabto, waxa aan u jeedaana waa kibir ka socda Maraykanka ayuusii raaciyay.



Warqad uu Ruushku u direy Maraykanka iyo reer Yurub ayuu ku sheegay inay tahay khad cas inaan la hubeyn wadamadii ku jirey xulafadii Waarso iyo kuwa isaga xadkala ahba sida Yukarayn. Ilaa hadda jawaab ayaa laga sugayaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.