November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ruushka oo Bolan ka dalbatey raali gelin buuxda kadib markii

Wasaarada arimaha dibedda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Bolan u jooga Ruushka kadib markii safiirka Ruushka u jooga Bolan lagu xadhudbey amnigiisa. Safiirka ayaa lagu shubey sharaab qasan oo jaamuda kadib markii uu ka qayb galay munaasabada dagaalkii labaad.



Wasaarada arimaha dibedda oo u yeertay safiirka Bolan ayaa u sheegtay inay uga fadhido raali gelin buuxda wixii ka dhacay dalkiisa maadaama ay ku fashilantey inay ilaaliso amniga martida.




Safiirka sharaabka jaamudka ah lagu shubay ayaa sheegay inaanu aaminsanayn in maamulka Bolan aanu ogeyn arinta lagula kacay. Wasiirka Bolan ayaa sheegay inuu fahmi karo dibed baxayaasha cadhaysan laakiin uu sheegay inay tahay wax laga xumaado sidey wax u dhaceen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS