X

Ruushka oo casuumay madaxweynaha Somaliya

Madaxweeynaha Somaliya ayaa casuumad ka helay dhigiisa Ruushka Putin. Casuumada ayaa ku qotonta shirka Ruushka iyo Afirka oo reer galbeedku ay aad u walaacsan yihiin maadaama Afrika tahay qaarad dihin dhinac walba halka kheyraadka, dabiiciga uu ka soo dhamaanayo wadamada kale.


Warqada casuumada ayaa ka soo baxdey madaxtooyada Ruushka ee loo yaqaan Keramlin. waxana ku jira madaxda la casuumay in ka badan 50 iyo hay’adaha ugu weyn Aftika

Ruushka ayaa muddo ka maqnaa saaxada siyaasada caalamka siiba Afrika maadaama uu burburey midowgii Soofiyeeti oo u badnaa Muslimiin.


Shirka ayaa dhici doona dabayaaqada bisha Oktoobar waxana wada wadi doona madaxweynaha Masar oo hadda xilligan madaxa Afrika iyo Putin. Waxa shirku xooga saari doonaa dhinaca dhaqaaalaha iyo goobaha uu Ruushku ka caawin karo Afrika.

Somaliya ayaa ku jirta hog ayna reer galbeedku rabin inay ka baxdo dhinaca kalana jaqaya kheyraadka dalka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.