X

Ruushka oo diidey in Dayib Erduqaan la baxo akhwaan u dagaalamay Yukrayn

Inkastoo Turkigu diidey inuu qayb ka noqdo cunaqabatayna Ruushka ay saareen saaxiibadiisa reer galbeedka ee uu ka mid yahay, wuxuuse jeclaaday inuu labada dhinacba nuugo waxtarkooda iyo ugu yaraan faaiido la;aantooda.


Cunaqabatayn Dyib Erduqaan saaro Ruushka waa ku jabayaa dhaqaale ahaan iyo istaraaji ahaan si kastoo xulafadiisa Maraykanka ay jecelyihiin inuu la jabo. Dhaqaalaha Turkiga ayaa qayb weyn toos ugu xidhan wax soorka Ruushka sida ugu yaraan dalxiiska iyo gaaska.


Dayib Erduqaan ayaa akhwaan Muslimiintii ku jabtey Siiriya u direy Yukrayn si Ruushka ula dagaalamaan, waxayna hadda badankoodu go’aadoon ku yihiin gaajana ku dileysa hoga warshada birta ee magaalada Maribool.

Maribool oo xeeb ku taal waxa Ruushku xoreeyay bishii hore waxase ajaanibta u dagaalmaysa Yukrayn ee ay ku jiraan akhwaanta Erduqaan soo direy ku jiraan hogaasi ayna ka bixi karin in la dilo mooyee ama isa soo dhiibaan.


”Waxaan rabnaa inaan askarta dhaawacan ka soo daadgureyna warshada birta ee ay ku go’doonsan yihiin ayuu yiri afhayeenka madaxweyne Dayib Erduqaan waxase welli ogolaansho bixin dawlada Ruushka.

Ruushka ayaa la yaaban waxa xilligan keenay in Turkigu is keeno, ayadoo Ruushku boqol jeer sheegay inay ilaalin doonaan askartii is dhiibta ee hubkooda dhiga. ”Keliya wuxuu rabaa inuu la baxo akhwaankiisa dhimanaya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.