X

Ruushka oo diyaariyay gantaalihiisa nukliyeerka kadib markii

Gaashaandhiga dalkaasi Ruushka ayaa godka ku hubsaday gantaalaha ugu khatarsan aduunka ee loo yaqaan Sarmat ee xambaarsan nukliyeerka ee ka dhigaya Maraykanka. Rakibaada gantaalaha ayaa timi kadib markii Maraykanku uu Yukrayn u balanqaaday inuu siinayo gantaalihii lidka difaaca ee cirka. Ruushka ayaa sheegay inuu burburin doono.



Ciidanka xooga dalka ee  Ruushka ayaa ugu yaraan 15 gantaalahaas nukliyeerka ku hubsaday godadka laga rido qayb ahaan halka kuwa kalana lagu diyaariyay gawaadhi gaashaaman oo aan la arki karin.



Maraykanka ayaa dagaal uu ku fashilmay kula Jira Ruushka asagoo ku gabanaya Yukrayn. Xulafada ku hungoobay raacidiisa ayaa waxa soo wajahay dhaqaale burbur xoogan oo ayna ka soo kaban karin halka Ruushka ay lacagtiisu hadda tahay mida ugu adag.



Diyaarinta gantaalaha ayaa ka dhigan in Ruushku ku cabsiinayo Maraykanka inaanu waxba qaadi karin ee uu ka haro hubeynta Yukrayn waxayse u tahay Maraykanka oo islahaa Ruushka waad ka adkaatay is adkayn aanu guul ka gaadhayn. Si kastaba ha ahaatee waa halis ku soo kordhaysa adduunka.

Gantaalaha Sarmat ayaan haba yaraatee la soo ridi karin sida ay u duulaan awgeed, Maraykankuna ilaa hadda waxay la rafaadsan yihiin samayunta gantaal noocaasa

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.