X

Xulka Faransiiska oo la tacaalaya cudur aan la garanayn

Maamulaha xulka Faransiiska ayaa sheegay inay la tacaalayaan cudur aan la garanayn oo haleelay dhowr ciyaaryahano oo ka mida kuwa uu xusho ama xulanaayay ciyaarihii u dambeeyay.



Ciyaaryahano difaaca iyo weerarka ka ciyaara oo ay ku jiraan Rafaayeel Varane, Cisman Dembele iyo Ibrahima Konate ayaan soo xaadirin tababarkii Jimcaha.



Waxa hore cudurkaan u haleelay laba ciyaartoy oo kale oo iyaga mid ka mida loo sheegay inaanu huteelka ka soo bixin. Waxa hore Faransiiska uga maqnaa ciyaaryahano muhiim ahaa sida Paul Pogba.

Xulka Baraasil ayaa iyagu hore uga cowday xanuun sidan oo kale aan la garanayn. Maamulaha Faransiiska ayaa sheegay in xanuunku la socdo qaboojiyaha ku jira huteelka, qaybna ka yahay sii faafintiisa.

Ciyaarta kama dambeysta beri ayaa la ciyaari doonaa 10:00 saacada Somaliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.