Sunday, June 2nd, 2024
header










Meta







Ruushka oo eegaya inuu jaro internet-ka dalkiisa ee caalamka ku xiran iyo sababta

Wadanka Ruushka ayaa eegaya inuu gebi ahaanba jaro internet-ka caalamka ee dalkiisu ku xiran yahay. Internet-ka caalamka ku xiran ayaa waxa qaada xarko mara badda hoosteeda oo ah internet-ka ugu fiican layskuna halayn karo isticmaalkiisa.



Waxase jira internet kale oo isagana laga helo dayax gacmeedyada cirka sare jooga oo aan laysku halayn Karin. Hadaba inkastoo internet-ku yahay wax aduunku wada leeyahay hadana waxa jira dawlado aan badneyn oo aan ku xirneyn midka caalamka sida Woqooyiga Kuuriya laakiin iyagu isticmaala mid iyaga u gaara.



Wadamada aduunka ayaa dhinaca kale awood u leh inay xanibaan waxa dadkeedu eegi karaan ha sii kala darnaadaane sida Sucuudiga oo iyagu xaniba xataa dooda ku saabsan dalkooda.

Shiinaha ayaa iyaguna ogolaan mareegtooyin badan oo aduunka ah ahna dalka ugu xanibaada badan. Inkastoo aduunku ku noolyahay internet-ka faaiidooyin badana leeyahay waxa hadda xoogeystay sirdoonka internet-ka dhexdiisa ah iyadoo wadamada waaweyn adeegsada firdhooyin kambuyuutarada sir kaga xadaan dawladaha yaryar iyo kuwa waaweynba.



Ruushka oo ka mida quwadaha waaweyn ee caalamka ayaa sanadkii hore mariyay barlamaankiisa sharci cusub oo lagu wadayo internet-ka dalka oo ay ogolaadeen dhamaan shirkadaha qaada internet-yada.

Waxana ay sheegeen inay tijaabin doonaan internet aan ku xirneyn caalamka oo shaqayn kara haddii dalalka qaar isku dayaan inay Ruushka ka takooraan aduunka ayagoo jaraya khadka Ruushka aada.

Sharciga ayaa ka dhigan in is-gaarsiinta ka dhaxaysa muwaadiniita Ruushka iyo kuwa dibedda ay ku ekaan karto oo kaliya Ruushka ee ayna dalka dibedda uga baxayn.



Hadda 12-ka keyd ee internetku ku xiran yahay midna kuma yaalo Ruushka inkastoo adderaysyada qaarkood ku yaaliin Ruushka oo dalku yeelan doono internet haddii la jaro kuwa dalalka kale ku yaal.



Joojinta isticmaalka internet-ka ku xiran caalamka kale ayaa Ruushku ku muujinayaa in haddii la jaro shirkadaha internet-ka ee Ruushku u soo duwi karaan midka iyagu leeyihiin ee gudaha dalka ee la samayn doono dhawaan.

Ujeedaduna waxa weeyi in dalku samaysto gebi ahaanba internet iyagu leeyihiin inkastoo Ruushka qaarkii diidan yihiin in taas takoori doonto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...