Dawlada Ruushka ayaa eriday safiirada wadamada Jarmalka, Bolan iyo Iswiidhan oo iyagu taageero u muujiyay ninka Ruushka ah ee lagu magacaabo Nafalni oo isagu caayay Muslimiinta.
Nafalni oo Muslimiinta ku tilmaamay baranbaro ayaa waxa laqsiiyay sadex sano iyo bar, waxana dhawaan la soo taagey maxkamad kale oo la xiriirta dembiyo uu ka galay dalkaasi.
Dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo midowga ayaa ku hanjabay inay ka aarsan doonaan Ruushka oo iyaguna eryi doonaan safiirada Ruushka ee dalalkaasi. Midowga Yurub ayaa saaray cunaqatayno kala duwan dalka Ruushka.
Ruushka ayaa cunaqatayntaas ka qaaday ad adayg iyo kordhin wax saarka dalka. Hogaamiyaha Jenjiya ayaa sheegay inayna jirin qof ka mida oo jecel Nafalni maadaama uu caayay Muslimiinta Ruushka degan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay