X

Wadamada ugu horeeya ee Ruushku ku burburin doono gantaalaha nukliyeerka

Kadib marakii madaxweynaha Ruushku heegan geliyay gantaalaha sida hubka nukliyeerka ayaa waxa walaac xoogan iyo aamusnaan ay ka soo hartey siyaasiyiinta reer galbeedka iyo kuwa awal nacnacdooda laga fadhi waayay.


Haddaba haddii ay dhacdo in ururka Maraykanku wato ee loo soo gaabiyo NAATO uu farogelin ku sameeyo Yukrayn khalkhalna geliyo amniga Ruushka inkastoo Ruushka awoodo inuu si caadi ahba u garaaco kooxdan Maraykanku wato, waxaad is weydiin kartaa yaa ugu horeeya oo Ruushku dhulka la simi doonaa.


”Kuwa ugu fagfagta badan waa Ingiriiska ee jasiiradaas la waayi doono inay dad ku noolaayeen iyo in kale waayo waayo waxay saldhig u tahay diyaaradaha Maraykanka, kaaga daran gantaalaha Ruushka kuwa la soo ridi karo, kuwoodase waa la soo ridi karaa intey hawada ku jiraan ayuu yiri Cali Calasow.


Wadamada kale ee Yurub wada shaqayn hoose ayaa ka dhaxaysa iyaga iyo Ruushka sida Jarmalka iyo Faransiiska inkastoo dusha u muuqdaan kuwa is adkaynaya. Waxa kale oo ku daayay Maraykanka iyo Kanada oo isku mar gantaaluhu ugu dhici doonaan ayuu raaciyay Cali Calasow.

Turkiga oo la sheego inay yaalaan hub nukliyeera ayaa laba wajiilayntii ugu xumaa ka socotaa hadduuna ka hadhina gaalada kale isagana ay la tagi doonto hawadu.



Ruushka ayaa la ogyahay inuu haysto gantaalaha nukliyeerka ugu badan ee miridho ku tagaya magaalooyinka Waashinton iyo Landhan. Tan ugu weyn ayaa ah inuu hadda samaystey gantaalo aan la soo ridi oo eber ka dhigay difaaca gantaalada ee Maraykanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.