X

Ruushka oo guul ka sheegtay daawada cudurka Kooro

Ayadoo aduunka badankiisu tartan ugu jiro daawo looga hortago cudurka Kooro ayaa Ruushku sheegay in guul laga gaaray daawo uu u bixiyay Gamaleya oo dadkii lagu tijaabiyay ay kahortag yeesheen.


”Dadkii aan ku tijaabinay waxay kahortag yeesheen maalmo kadib marka hadda waxaan bilaabeynaa inaan dad badan ku tijaabino si aan u ogaano muddada ugu fiican iyo haddi ay jiraan wax kale oo ay dareemayaan ayuu yiri madaxa daawo baarista ee jaamacada Moosko..

”Waxaan aad ugu faraxsanahay in dhamaan dadkii lagu tijaabiyay ay yeesheen kahortag muddo maalmo ah.


Haddi markaas talaal loo baahdo waa in aan ogaanaa muddada saxda ee qofku qaadan karo talaalka si jidhka qofku diyaar ugu noqdo cudurka Kooro ayuu raaciyay.

Ma sheegin mudada ay qaadan doonto in la soo saaro daawada oo la badiyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.