Thursday, March 28th, 2024
header










Meta







Ruushka oo hubkii ugu badnaa siiyay Armiiniya kadib markuu Turkigu hadlay

Aserbajaan ayaa sheegtay inay qaaday weerar rogaal celina kuna qaaday fadhiisimo ay joogaan kuwa Armiiniya ee Ruushku taageero oo haysta dhul balaadhan oo ka tirsan Aserbajaaan. Turkiga oo ka hadlay weerarka Aserbajaan ayaa sheegay in Aserbajaan keli ahayn oo Turkigu garab taagan yahay.



Ruushka ayaa saldhig weyn ku leh agagaarka caasimada Armiiniya, waxana la arkaayay dhaqdhaqaa ciidan oo aad u socda iyo diyaarado soo degaya oo hub waaweyn wada.

Aserbajaan oo ka tiro iyo dhaqaale badan Armiiniya ayaa waxa ciilay askar xumo iyo tayada hubkeeda oo aan fiicneyn taas oo keentay in Armiiniya oo Ruushku wato ay soo eryadaan dhul badana ka qabsadaan.



Aserbajaan ayaa sanadihii u dambeeyay ku bixisay malaayiin doolar ayadoo taageero ka helaysa Turkiga dib u dhiska ciidankeeda. Turkiga iyo Aserbajaan ayaa isku ah qabiilka Turkiiga loo yaqaan ee sida balaadhan u dega midowgii Soofiyeeti.

”Tayada ciidanka Aserbajaan ayaa aad u liidata xataa xilligii Soofiyeetka waxa yaraa ama aan jirinba saraakiisha Aseeriyiinta ee ku jira ciidankii weynaa ee Soofiyeetka halka Armiiniyiinta ka buuxeen ayuu yiri khabiir Ruusha.



Si kastaba ha ahaatee haddii uu qarxo dagaal daba dheeraada ee u dhexeya Ruushka hubeynaya Armiiniya iyo Aserbajaan oo ay la jiraan wadamadii ku jirey Soofiyeetkii ayaan laga gaaray guul weyn, waana arinta Ruushka iyo Turkigu jeclayn inay dhacdo.

Waxase meesha ku jirta in Armiiniya la tuso inayna xoog ku haysayn dhul Aserbajaan leedahay ayadoo qaxootigii ka soo qaxay halkaasi welli degan yihiin caasimada Baakuu.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...