X

Weriye ka tirsanaa idaacad maxali ah oo lagu diley Gaalkacyo

Weriye ka tirsanaa idaacad maxali ah ayaa lagu diley Gaalkacyo. Xarunta gobolka Mudug ayaa laba u qaybsan. C/risaaq Siciid Cismaan ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka hawlgala Idaacadda Codka Nabada ee magaalada Gaalkacyo.


Wariyaha ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Weerar loo adeegsaday Toorey oo xalay Kooxo hubeysan ay ugu geysteen Magaalada Gaalkacyo qeybta maamulka Puntland.

Kooxaha hubeysan ayaa wariyaha weeraray xilli uu xalay kasoo baxay xarunta Idaacadda Codka Nabadda, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo uu ugu dambeyntii uu u geeriyooday.


Ilaa iyo hadda lama oga sababata ka dambeysay dilka saxafigaas balse kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Allaha u naxariistee Wariyaha ayaa caan ku ahaa ka shaqeynta Arimaha Bulshada iyo goobaha danta guud oo uu ka duubi jiray Barnaamijyo maqal iyo muuqaal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.