X

Ruushka oo shaki geliyay dilka argagixiskii weynaa ee Daacish

Wasaarada difaaca ee dalka Ruushka ayaa shaki gelisay sheegashada xagjir Taram ee ah in muslimiinta iyo dadka kalaba laga qabtey argagixiskii weynaa ee Daacish oo Sabtidii lagu weeraray Suuriya.


Taram ayaa sheegay in Ruushku u fududeeyay diyaaradaha helikobtarada iyo kuwa aan la wadinba inay joog hoose  Ku galaan gobolka Idlib oo ay joogaan argagixisada iyo ciidanka Suuriya oo baacsanaya.

Halka ciidanka Maraykanka lagu ogyahay gobolada xadka Suuriya la leedahay Ciraaq.

Hadaba wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inayna jirin wax diyaarada ama duqeyn ay rikoodh gareeyeen oo xilligaa Ka dhacay  gobolka Idlib oo xadla leh Turkiga.


Waxayna shaki geliyeen hawlgalkaas ayadoo dhinaca kale xagjir Taram soo bandhigin wax cadayn ah oo muujinaya dilkaas, ayagoo keliya sheegay inuu is qarxiyay.


Si kastaba ha ahaatee ururka khawaarijta ee Daacish waxa Suuriya iyo Ciraaq lagu jabiyay sanadkii 2016/17 ilaa 2018, waxayna intaas wixii Ka dambeeyay Ku jireen baxsi iyo inay kolba xirtaan dharka haweenka, markaa dilka dhiigmiirad Albaqdaadi ma keenayo guul sidaa u weyn oo lagu faano.

Waxase aad loo soo dhaweeyay warka khaarajinta mujrimka weyn ee ay Ku baxeen gacantiisa kumanaan Muslimiina iyo hantidooda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.