X

Ruushka oo sharaxay tartiibta uu u socdo hawlgalka Yukrayn

Milatariga Ruushka ayaa sharaxay qunyarta uu u socdo hawlgalka Yukrayn ayadoo meelaha qaar laga soo sheegayo xabadjoojimo hoose. Wasiirka difaaca Ruushka oo arintaa ka hadlay ayaa sheegay inay tani fursad u tahay dadka shacabka ah.


”Waa run way jirtaa in hawlgalku tartiib u socdo halkii ay ahayd inaan meelo badan gaarno laakiin waxaan fyrsad siinaynaa dadka shacabka ah hallka milatariga Yukrayn ay gantaalada ku soo tuurayaan gooabaha sghacabku degan yahay ayuu yiri wasiirka difaacu.


Inkastoo ay jiraan cunaqabatayn iyo hub lagu soo daldalayo Yukrayn ayna intooda badan keenayaan Maraykanka iyo Ingiriiska haddana way naga go’an tahay inaan hawlgalka soo afkarno ayuu raaciyay wasiirku.



Yukrayn ayaa dhianceeda ku faanaysa inay Ruushka ka saari doonto gobolka Karaymiya sanadkan aakhirkiisa oo ay filayso in lacagtii Maraykanku balan qaaday ee 40 bilyan ahayd in hub lagu so iibiso hubkaasina soo gaaro Yukrayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.