X

Xasan Culusow oo jufadiisa u sameeyay magacaabistiisa ugu horeysa

Durba madaxtooyada qaranka ayaa isku bedeshay filo qoys waxaanad ka fahmi kartaa magacaabista uu ilaa hadda sameeyay Xasan Culusow. Waxana dalku caadi uu gacanta ugu galay sirdoonka Maraykanka iyo kuwa jaarka iskana ilow qab dambe iyo dawlad dhisanta.


Haddaba Xasan Culusow ayaa sameeyay dhow magacaabis yayse kala yihiin
Magacyada iyo Qabiilada ay ka soo kala jeedaan


1. Xuseen Shiikh Maxamuud
Agaasimaha Madaxtooyada (Digil iyo Mirifle)
2. Maxamed Amiin Shiikh Cisman
Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada (Hawiye)
3. Hinda Culusoow Habdhaqanka baratakoolka (Hawiye)
4. Faysal Muuse Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada (Hawiye)
5. Kaaliyaha Madaxweynaha Cabdirisaaq British ( Hawiye)
6. La taliyaha Amniga Xuseen Macalin ( Hawiye) wuxuu u shaqeeyaa sirdoonka reer galbeedka
7. Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur, Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Bani Aadamka ( Hawiye )



Xasan Culusow welli caqli uma kordhin wuxuuna welli wadaa qabyaaladii uu shalay waday. Waxaan sugnaa maxaa xiga waxay u egtahay in dalku caadi ugu gacan galay shisheeye.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.