X

Ruushka oo sheegay inay soo saareen daawada cudurka Kooro

Shirkad kuwa daawooyinka ah oo laga leeyahay dalkaasi Ruushka ayaa sheegtay inay soo saartey kiniin lagu daaweeyo cudurka Kooro oo si aada aduunka ugu faafay. Wakaaladan daawada soo saartey ayaa sheegtay inay isticmaalayso daawo loogu talogalay kaneecada.



Haddaba sidee daawada u shaqaynaysaa

Waxa wakaaladu sheegtay in daawadu joojinayso in cudurku labalaabmo ama sii fido taasina ka joojinaysa bukaanka in uu ka bararo sambabada. Haddii sambabada bararaan waxa imaanaysa in qofku hawada qaadan kari waayo.

Waana sababta loogu baahdey hawo-siiye cudurkaan Kooro. Waxayse sheegeen in daawadaas kaneecada iyo caabuq-la dagaalayaal marka laysku daro uu qofku ka bogsanayo waayo caabuq-la dagaalayaashu waxay xoojinayaan dhiiga nafaqada qaada ee jaalaha ah iyo sambabada.



Tani waxay keenaysaa in dadka kala duwan ee qaba Koorada ay ka bogsoodaan neef qabatowga oo ah tan ugu daran.

Daawada Koorada ee hadda la isticmaalo ayaa lagu yareeyaa neef qabatowga qofka ku imaanaysa, waana ta loogu baahdey hawo-siiyeyaal badan oo ayna haysan wadamada aduunka ee uu ku dhacay Kooradu.


Hawo -sifeeyeyaal cusub

Waxay wakaaladu ugu dambeyn soo bandhigtey hawo-sifeeyeyaal hawo lagu siin karo ilaa afar qof halka hadda hawo la siiyo laba qof oo keliya kadibna la bedelo. Ma sheegin in dad lagu tijaabiyay daawada waxayse sheegeen in la soo saari 10000 (toban kun) oo hawo sifeeyayaala bisha soo socota.

Si kastaba ha ahaatee wadamada aduunka badankooda ayaa u kala baratamaya helida daawada oo ku xiran in RABIGEEN fasaxo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.