X

Ruushku inuu si xun u garaaco Yukrayn waxay ku xiran tahay??

Wasiirka difaaca dalkaasi Ruushka oo ka jawaabayay hubka ay ku soo daldalayaan reer galbeedka dabadhilifka weyn ee Yukrayn ayuu sheegay inay ku xiran tahay nooca hub ee soo gaara dabadhilifka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in kolba sida hubka loo siiyo ay iyaguna ku hagaajin doonaan difaaca y ka galayaan hubkaas. Wasiirka difaaca oo faahfaahiyay ayaa sheegay hadday khatartu nagu soo dhawato inaan ku qasbanahay inaan iska fogeyno.

Taas oo macnaheedu yahay inay qabsan doonaan dhul horleh oo ay ku jiri doonto caasimada dalkaas amaba ay khaarajaan dabadhilifka hubka la siiyay.

”Haddii ganataalo la siiyo ha ogaadaan inaan ka daba tegi doono horena waan u sheegnay in hub kasta oo la siiyo dabadhilifka aanu waxba ka bedeli doonin arinta dagaalka iyo hadafka Ruushka ayuu raaciyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.