X

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan dalkaasi Yukrayn ee hadda Maraykanku ka dhigtey meel uu uga duulo Ruushka kuna tijaabiyo hubkiisa noocyadiisa kala duwan, ayaa maanta ahayd hadal haynta ugu badan.

Sacuudiga oo dabadhilif weyn u ah Maraykanka ayaa Maraykanku ka xanaaqay saliid uu yareeyay dhoofinteeda si qiimaheedu hoos ugu dhicin iyaguna ku khasaarin sanadkii hore. Baydan ayaa ku hanjabay inuu hoos u dhigayo xiriirka uu la leeyahay Sacuudiga inkastoo uu baqay.

Safarka wasiirka arimaha dibedda ku tagay Yukrayn ayaa loo arkaa safar uu ku raali gelinayo Maraykanka, asagoo weliba ugu deeqay lacag xad dhaafa oo uu ku sheegay arimaha gargaarka gaaraysana 400 oo milyan oo doolarka Maraykanka ah.

”Waa loo jeedaa inay tahay raali gelin caadiya ee ayna ka ahayn weji ay u qabaan Yukrayn ayuu yiri Xuseen Warsame. Waxana macquula in la amray inay tagaan welibana lacag bixiyaan si Ruushku u arko.

Maraykanka iyo xulafada uu wato ayaa balaayiin doolar ku shubay Yukrayn ilaa haddana magaalo keliya xoreyn kari waayay, ayadoo hadda dagaalka ugu weyn uu yahay mid daaraha lagu burburinayo maadaaama uuna jirin ciidan Yukrayna oo dagaal toosa geli kara.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.