X

RW Maxamed Xuseen Rooble oo la ogaaday inuu 3 sanno oo xadhiga ku soo liqay Iswidhan

Raiisla wasaaraha Somaliya ayaa la faqay faylal maxkamadeed oo cadaynaya inuu ahaa nin daroogada ku ba’as oo kadibna maxkamad xukuntey sanadii 2014. Waraaqaha maxkamada ayaa lagu sheegay in lagu helay daroogada nooca loo yaqaan xashiishka.


”Ilayn show waa waxaan la yaabnay markaad fiiriso hab dhaqanka Rooble ee isku dhexyaaca ku dhow iyo weliba ah qofkii ku dambeeya ayuu yiri Cali Calasow. Waxa muuqata inaan Somalida laga shaandheyn cida masuulka looga dhigayo ayuu raaciyay.


Maxamed Xuseen Rooble ayaan welli ka hadlin maxkamada xukuntey ayadoo su’aalaha badankiisu ku socdaan madaxweynaha sababta keentay in qof aan dadka laga eegin loo magacaabo jago muhiima.


Xukunka Maxkamada ee uu soo liqay oo ahaa 3 sanno kadib ayaa la sheegay inuu ka soo dhoofay dalka Iswidhan intaas kadibna ku noolaa Kiiniya.


”Waa arin fajac ku noqotey Somali oo dhan shaqsi noocaasa in lagu aamino jago sidaas muhiim u ah ayuu yiri Xuseen Warsame. Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo shaqsi lagu xukumay inuu xashiishada ka shaqaysan jirey laga dhigo raiisal wasaare.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.