X

Wasiirka qorsheynta Jamaal oo qasab ku galay Garoowe kana waramay lacag Qadar keentay

Horjooge Siciid Deni ayaa saacad ku hayay duleedka Garoowe wasiirka qorsheynta ee dawlada dhexe ee Somaliya waxana mardhow qasab uu ku galay magaalada. Ilaalada wasiirka ayaa hadda dib ugu noqday gobolka Sanaag.


Waa markii labaad ee horjooge Siciid Deni uu carqaladeeyo wasiirka oo ku socday deegaan doorashadiisa Sanaag gaar ahaan degmada Dhahar halkaas oo uu soo balan qadaday mashaariic.


Inkastoo maamulka Somalilaan sheegto Sanaag oo dhan  haddana dadka gobolkaas ayaa iyagu diidey in maamulka ISAAQ yimaado dhulkooda. ”Majeerteen waxba noo dhimin wuxuuse na tusay inaan gun nahay aan difaacan karin dadkooda ayuu yiri Garad Jaamac oo ah garaadka Warsangeli.


Wasiir Jamaal oo ka hadlay xaflad ay qaban qaabiyeen taageerayaashiisa ayaa sheegay in Qadar ay keentay 200 milyan oo doolar lacagtaasna 100 milyan la geliyay Butlaan halka inta soo hartey la geliyay gobolada jaarka la ah Butlaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.