11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

RW Xasan Kheyre oo amrey in si deg dega loo baaro xasuuqii argagixisada ee shalay

RW Xasan Kheyre ayaa amrey in si deg dega loo baaro xasuuqii argagixisada ee shalay.

“Waxaan ka tacsineynayaa aniga oo ku hadlaya Magaca Xukuumadda Soomaaliya dadkii ku dhintay qarixii shalay ka dhacay agagaarka hotelka Wehliye Wadada Makala Almukarama,waxana qaraxaas geystay cadawgeena oo caadeystay dhibaateynta shacabka,iyaga oo adeegsanaya xeelado kala duwan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre”



Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku amray laamaha amniga Soomaaliya in ay baaraan qaabkii xarumaha baarista Ciidamada uu ku soo dhaafay gaarigaas,isla markaana uu jiri doono isla-xisabtan dhab ah.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS