Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Wararkii ugu dambeeyay xasuuqii argagixisada ee ka dhacay Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay Ismiidaamiye ka tirsanaa argagixisada Shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

 Halkaasi oo uu ku dilay dad ku dhow 20 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay, warar kale oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkan loo adeegsaday Bajaaj lagu soo raray waxyaabaha qarxa.



Dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo u badnaa dhalinyaro Mooto Bajaaj ku shaqeysaneysay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo, ehehlada dadkaasi ayaa tan iyo xalay ku sii qul qulayay Isbitaalada, si u booqdaan dadka ka dhaawacmay.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee sida gaarka ah loogu tababaray Baarista Qaraxyada oo caawimaad ka helaya Saraakiil cadaan ah ayaa ku hawlan Baarista Qaraxan, si ay u soo saaraan natiijada kama dambeysta ah.



Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa muujisay cambaareyn xooggan oo ku aadan qaraxan, waxayna tilmaameen Shabaab in aysan u tureynin shacabka Soomaaliyeed.



Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir oo isla shalay gelinkii dambe tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa nadiifiyay haraadiga qaraxa ka dhashay, iyada oo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee wadadaasi uu saakay dib u furmay, inkastoo weli ay muuqato waxyeelada qaraxa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...