X

RW Xasan Kheyre oo xadhiga ka jaray saldhig Turkigu ka hirgeliyay Muqdisho: SAWIRO

RW Xasan Kheyre ayaa xariga ka jaray saldhig Turkigu ka hirgeliyay Muqdisho. Waxa RW Xasan Kheyre ku weheliyay taliyaha ciidamada Turkiga.

Munaasabadda Furitaanka Saldhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan cali Kheyre, Xildhibaano iyo taliyaha Guud ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Cirfiid.



Saldhigaan ayaa lagu tababari doono ciidanka qaranka ee Soomaaliya. Saldhigaan ayaa markiiba marti galin kara kun iyo shan boqol oo askari.



Waxaa Saldhiga uu ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhismaha Saldhiga ayaa bilowday Sanadkii 2015-tii waxaana lagu dhisay lacag ka badan 50 Milyan oo Dollar.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.