Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Sababta Yuhuudu u aamustey markii Maraykanku hubkiisa keenay khaliijka

Waxaan la soconaa in Yuhudu ahayd kuwa xagjir Taram geliyay inuu ka baxo heshiiskii madaxweyne Obama la galay Iiraan, waxay ahayd Yuhuuda kuwii taageerada xoogan ku bixiyay sidii Taram u aqoonsan lahaa Al-qudus. Waxayna mudadii Taram xukunka yimi hormuud ka ahaayeen siyaasada arimaha dibedda ee xagjir Taram isticmaalo.



Sirta ugu dambaysay ee Taram markabkiisa dagaal ku geeyay khaliijka ayaa ah sir buga oo ay Yuhuudu bixisay. Waxay kaloo Yuhuudu bixisay sir Yuhuuda Iiraan soo gudbiyeen oo sheegaysa in Iiraan kordhisay xadidka aqoonta Nukliyeerka.

Hadaba waxaad is weydiin kartaa maxaa aamusiiyay xilli Taram awoodiisii cirka wada geeyay khaliijka. Waa ta hore Taram waxba kaga qaadi maayo Markab dagaal iyo diyaarado wax rusheeya Iiraan oo inta badan burburin karta awoodaas.

Mana Jiro qorshe uu ciidankiisa ku geeyo gobolka iyo halka uu ka duuli doono maadaama Ciraaq Shiica u badan tahay dawlada ayna jirina dhul kale oo uu uga duulo.



Waxana kuu muuqata in talaabooyinka uu qaadi karo Taram ay xadidan yihiin. Yuhuuda oo aragtey hogga ay gelisay xagjir Taram ayaa bilowdey inay aamusto sida inay bixiso xogihii lagu yaqaanay. Waxa kale oo la ogaadey in Xusbullah Yuhuuda weerar ku qaadi doonto haddii arintu dagaal isku rogto.

Inkastoo Maraykanku geeyay gantaalihiisa casriga ee lidka diyaaradaha Israaiil laba bilood kahor haddana in wadamada Suuriya iyo Xisbullah isticmaalaan gantaalaha Ruushka cidi kama horjoogto, waxana kuu muuqanaysa intaasina ku qasabtey Yuhuuda inay aamusto.



Ujeedada ay u joojisay beentii iyo borobagaadadii ayaa ah in aan la oran Yuhuudaa ka dambeysay dagaalka Iiraan iyo Maraykanka haddiiba xagjir Taram ku dhiirado inuu qaado weerar aanu guul ka gaarayn.

Wahaabiyada Sucuudiga oo bixinaysa lacagta Maraykanku ku dagaal galayo ayaan welli sheegin inay ku dhiiranayso in ciidanka Yuhuuda iyo Maraykanka ay xulafada yihiin ka dagaal geli doonaan badeeda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...